25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Baaqyo is daba joog ah oo ka imaanya goobaha doorasha ee dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xadgudubyadda iyo dhibaatoyinka lagu hayo musharixiinta, Ergadda iyo odayaal dhaqameedka ka tirsan saxiixayaasha, ugaasyadda, malaaqyadda iyo Nabadoodna Kurastooda ay taalo Koonfur Galbeed ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa.

Ayaddoo culayska ugu badan uga imaanaya Gudoomiyayaasha SIEIT Mursal iyo Gudoomiyada Xalinta khilafaadka Mohamed Amiin. Kuwaas oo markasta u taagan badalaada liisaska ergooyinka, iyo soo dhaweenta musharixiin gaar ah oo ay rabaan iyo ergadooda ay siiyaan mudnaanta kowbaad, ayagoo isku bahaystay Labada masuul in ay soo dhaweestaan musharixiinta iyo ergoyinka ay rabaan oo ay dajiyeen Madaxtooyadda gudaheeda si hawl kasta loogu fududeeyo, halka ergada, Odayasha dhaqanka iyo Musharixiinta kale ay degan yihiin Banaanka madaxtooyadda ayadoo waliba lagu dhiba sida badanna aan loo ogalaanin in ay galaan si ay cabashooyinkooda u gudbiyaan ama ay rabaan si ay u helaan warbixino ku saabsan doorashooyinka.

Taasi waxay keentay in xuquuqdii ay lahaayeen muwaadiniinta in la doorta ama ay wax doortaan laga bixiyay, iyo sidoo kale madax banaanida odayasha dhaqanka iyo Nabadoonadda meesha laga saaray. Xaajaddana ay noqotay go’aanka beelaha in ay gaaraan Mohamed Amiin iyo Mursal oo awood u isticmaalay hawshii loo igmaday.

Qaar ka mid ah Beelaha Kuraastooda ay taalo Baydhabo ay ka muujiyay si cad walaac iyo ku takrifalid awoodeed ay istimaalayaan Mursal iyo Mohamed Amiin. Ayaddo beelaha lagu hayo fara gelinta qaawan ay ku jiraan Beesha Ayle, Wacdaan, Silcis, wadalaan iyo Dir.

Mohamed Amiin ahaa Xildhibaan hore ayaa u balan qaaday xildhibandi hore ay saxiibada ahaayeen ay ayagga cidaan ahayn ay soo noqonaynin, kana badali doono ergooyinka ay keenaan odayasha ka soo horjeedda.

Musharixiinta ugu cadcad oo muddo dheer xildhibano ah ay kamid Yihiin, Cali Ganey (Silcis) Osman Haji Ali (Wadalaan), Cali Aadan Xuseen (Eyle) iyo Omar Islow (Wacdaan) ayagoo keensaday ergooyin aan ka tirsaneen qabiiladooda si ay cod u siiyaan, ergadaas oo u xareesan haatan goobo ay dejiyeen.

Ayaddo ay booqdeen Madaxda Guddiga Khilaafaadka, FIEIT, iyo Madaxa Qaramadda madoobay Mecheal Keating, si loo xaliyo dhibaatooyinka iyo cabshooyinka ka tirsan belaha dego koonfur Galbeed. Sidoo kale waxaa lagu xiray kaamarooyinka wax duuba dhamaan goobaha doorashada iyo gudiyadda si loo yareeyo musuqmaasuqa baahay, balse waxay keentay arinkaan in uu sare u maro musuqii jiro, oo ergooyin fara badan loo hanjabay in ladilaayo ama waalidkood ama qoskooda la waxyeeli doona hadaysan ka harin.

Ayadoo maalintii shalay ahayd ergooyin oo ka tirsan beesha Dir lagu jirdilay xarunta madaxtooyadda horteeda mid ka mid ah laga jabiyay gacant. Sidoo kale beesha Wadalaan odayashoda iyo musharxiinta ayaa maalintii shalay asakar lagu dalbaday banaanka loo soo saaray, ayadoo ay goob jog ahaayeen Mohamed Amiin iyo Mursal, sidoo kale handadaad loo gaystay.

Waxay baaq u jeedinayaan, dhamaan beelaha tirsanayo xadgudubyadda in Beesha Caalamka, Dowladda Koonfur Galbeed, Dowlada Federalka, Guddiyada FIEIT, SIEIT, IEDRM in ay arinkaan soo fara geliyaan si loo ilaaliyo habraaca anshaxa doorashooyinka, logana hortago in uusan dhiig ku daadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News