28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

La-yaab: CC oo hal cod dartiis u siyaasadeeyey geerida xildhibaan Daahir Geelle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu waqtigeeda dhamaadey Cumar Cabdirashiid Sharma’arke oo sidoo kale ah mudane katirsan aqalka sare ee dalka lagana soo doortey Puntland ayaa siyaasadeeyey xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo Isniintii ku geeriyooday Garoowe.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka kunool Garoowe xildhibaanka ayaa waxaa kusoo booday xanuun ka dis ah .

Xildhibaanka geeriyoodey ayaa ahaa muddo dheer Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009, waxaana uu baarlamaanka hadda xilku ka dhamaadey u qaabilsanaa arrimaha Baarlamaanada Carabta.

Si kastaba Cumar Cabdirashiid ayaa muujiyey tuhun ah iney qabaan in la sumeeyey xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo kamid ahaa xubnaha uu Sharma’arke ku xisaabtamayey codkooda 2016.

Guddiga olalaha u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo xigtey in uu jiro shakigaas ayna ka dalbadeen Puntland in la baaro taasi oo laga diiday, waxana ay welwel ka muujiyeen in la bartilmaameedsaday xubnaha taageersan ee Puntland laga soo doortey.

Dad ku dhow Cumar Cabdirashiid ayaa Caasimada Online u sheegay inuu geerida xildhibaanka u arko hal cod oo ka lumay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News