Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Khilaaf aad u xoogan uu soo kala dhexgalay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Khilaafka labadaani mas’uul ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhiiraday inuu hor istaago qorshooyin gaar u ahaa Ra’isul wasaaraha dalka.
Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegay inuu sabab u ahaa Madaxweyne Xassan oo isagu adeejiyay Jawaari, waxaana iminka la tilmaamayaa in Khilaafka Sharmaarke iyo Jawaari uu meel xun gaaray.
Xalinta Khilaafka labada mas’uul ayaa sidoo kale la sheegay inuu fashilmay muddo laba jeer, kadib markii Sharmaarke uu dhaliilay hanaanka la doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka.
Sharmaarke ayaa mudooyinkaani danbe xiriirka u jaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, isagoo ku eedeynaaya in xiriir dhow uu la leeyahay Madxaweyne Xassan oo ah Musharax.
Sidoo kale, Khilaafka Sharmaarke iyo Jawaari ayaa sii xoogeystay kadib markii ay saaxiibo dhow noqdeen Ra’isul wasaaraha iyo Shariif Xasan oo isna ay is khilaafsan yihiin Jawaari.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa khilaaf noocaani ah uu iminka ka dhextaagan yahay inta badan Madaxda dalka maadaama lagu kala jabay ololaha Xassan Sheekh iyo Sharmaarke.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

