25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Qaraxyo culus oo goordhow ka dhacay deegaano hoostaga maamulka Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bosaso (Caasimada Online)– Wararka ka imaanaya Buuraaleyda Galgala ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qaraxyo aad u xoogan.

Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lala beegsaday gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada maamulka Puntland.

Qaraxyada ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray Ciidamada maamulka.

Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu burburiyay laba gaari oo Cabdi-bile ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa Kolonyada gaadiidka ee Qaraxyada lala eegtay.

Saraakiisha Ciidamada wali kama aysan hadal Qaraxa waxaana jira Warar sheegaya in Meydadka iyo Dhaawacyada Ciidamada la keenay magaalada Bosaso.

Buuraaleyda Galgala ayaa waxaa ku yaalla Saldhigyo qarsoodi ah oo ay leeyihiin Argagixisada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaso

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News