26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Qadar oo joojisay lacag Somalia ay ugu talo-gashay kadib markii ay ogaatay in Xasan Sheekh uu….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimadda Online) – Dowladda Qadar ayaa gabi ahaanba joojisay lacago 8 milyan gaarayay oo ay horey ugu tala gashay inay ku bixiso qorshaha sugidda amniga, oo la siin lahaa hay’adaha nabad sugidda iyo Booliiska.

Sirdoonka Qadar ayaa heley caddeynta ah in lacagahaasi la rabo in si toos ah loogu gacan geliyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud iyo kooxdiisa Damjadiid si ay ugu galaan doorashada dadban ee dhawaan dhacaysa.

Xasan ayaa u diray taliyaha nabad sugidda Gen Gaafoow oo Doha kula kulmay mas’uuliyiin ka socda dowladda iyo sirdoonka dowladda Qatar iyaga oo u sheegey in qorshaha uu u yimid horey ay ugu yimaadeen Wasiirka Amniga Soomaaliya Abdirisaaq iyo Taliyaha Booliiska Maxamed Xasan Xaamud oo ay ishortaageen maadaama lacagta lagu qaadanayo sugidda amniga doorasho in lagu galo larabo.

Qadar waxay Gen Gaafoow u sheegtey inay jirin wax lacag ah oo ay siinayaan xilligan maadaama doorasho lagu jiro oo aysan rabin in qarash ay bixiyeen doorashada lagu galo, waxana ay u xaqiijiyeen in dowladda cusub ee bedesha tan waqtigeedu dhamaaday ay kala xaajoon doonaan kaalmada ay ku bixinayaan sugidda amniga Soomaaliya.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News