25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Warqad xasaasi ah: CC oo NISA ku amray inay faraha kala baxdo arrimaha doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ku eedeeyay ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya inay xireen oday ka mida odayaasha dhaqanka ee beelaha Waqooyi ee ka tirsan.

Qoraal uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha oo loo kala diray Hay’adaha ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo beesha caalamka ayuu ku sheegay in Ammaanka Doorashada ay u xil saaran yihiin guddi loo magacaabay, wuxuuna ciidamada NISA ku amray inay faraha kala baxaan arrimaha Doorashooyinka.

Loolanka u dhaxeeya musharixiinta xilka madaxweynaha, siiba madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa sii xoogeystay iyadoo wararku sheegayaan in oday dhaqameedka awoodda loo adeegsaday uu taageersanaa mushrax uu wato Cumar C/rashiid.

QORAALKA HOOS KA AKHRI

15303888_1389519484405979_76536035_o

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News