28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Villa Somalia oo qorshe yaab leh u degtay kursigii beesha Absuge

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Madaxtooyada Somalia, ay wado qorsho lagu afganbinaayo kuraasta ay Beesha Absuge ee Waceysle Abgaal ku leedahay Aqalka Hoose.

Qorshaha lagu afganbinaayo Beesha Absuge Abgaal ayaa waxaa lasoo warinayaa in Madaxtooyada Somalia ay u wakiilatay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada, Saadaq Macallim C/kariim.

Saadaq Macallim C/kariim, ayaa qudhiisa howshaani afganbinta ah la kaashanaaya Ganacsade C/raxiim Macaani Muuse, oo ah milkiilaha Isbitaalka Macaani oo ku yaalla Deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho.

Ganacsade C/raxiim Macaani Muuse ayaa kamid ah la-taliyayaasha Madaxweyaha uu wakhtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna qorshuhu yahay in la kala fogeeyo Labada Jufo ee Cali Gaaf iyo Absuge.

Agaasime Saadaq Macallim C/kariim, ayaa xusul duub ugu jira sida uu ku sameyn lahaa saxiixa Suldaanka Guud Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido isagoo doonaaya in saxiixaasi uu ku afganbiyo kuraasta ay Beeshaasi ku leedahay Aqalka Hoose.

Saadaq waxa uu sidoo kale ku tala jiraa inuu sameeyo saxiixa xubinta labaad ee Beesha Wacaysle uga mid ah 135-ka Odayaasha Dhaqanka ee horey u soo doortay Dowladda Federalka si uu u afganbiyo kuraasta Beeshaasi.

Qorshaha ugu weyn ee Saadaq Macallim C/kariim, ayaa ah in Kuraasta Beeshasi loo il duufo Xubno kale oo ka tirsan garabka taabacsan Xasan Sheekh Maxamuud.

Saadaq Macallim C/kariim, oo kamid ah Aqalka Hoose ayaa qudhiisa kursiga ku helay boob waxaana garab ku siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Talaabada uu Saadaq Macallim C/kariim ku sameynaayo saxiixyada Ergada Beeshaasi ayaa waxa ay horseedi kartaa dhibaato Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News