29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Villa Somalia oo xildhibaano lagu ururinayo balse ay soo baxday in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia ayaa diyaarineysa Liiska Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Gobolada dalka qaarkood kuwaasi oo uu soo saaray Xasan Sheekh.

Diyaarinta Liiska ayaa waxaa gacanta kula jira labada Agaasime ee ugu sareysa Villa Somalia, waxa uuna qorshuhu yahay in Liiskaasi lagu tijaabiyo cadadka Codadka uu heli karo Xasan Sheekh.

Liiska ayaa waxaa la sheegay inay ka dhexmuuqdan Xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland kuwaasi oo heshiisyo la galay Xasan Sheekh, inkasta oo ay aad u tiro yar-yihiin.

Si kastaba, waxaa ku jira Xildhibaano aad u farabadan kuwaasi oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana u badan Xildhibaano hore.

Xildhibaanada lagu diiwaan galinaayo Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa u badan kuwo Xasan Sheekh uu ka bixiyay dhaqaalaha kana tirsan Garabka Damul-Jadiid.

Xasan ayaa lagu warramayaa inuu haysto xildhibaano aad uga yar intii uu maleynayey kadib markii qaar badan ay ku biireen dhinaca musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News