29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Halkee laga keenay dhaqaalaha oagu iibsanayo codadka xildhibaanada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya sanadkaan ka dhacday ee lagu soo xulay xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa noqotay midda ugu musuq maasuqa badan.

Magaalooyinka Kismaayo, Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo ayaana noqday goobaha ugu daran ee musuq maasuq cad uu ka dhacay, maadaama la sameeyay waxyaabo aanan horey loo arag.

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday doorasho la musuq maasuqay, balse waxaa la af qabtay warbaahinta oo looga digay iney baahiyaan xitaa hal oday dhaqameed oo runta ka hadlaya.

Waxaana qaarkood loo sheegay iney ciqaab adag la kulmayaan , haddii ay baahiyaan wararka musuqa la xiriira.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhacday doorashadii ugu yaabka badneyn, kadib markii ergo been abuur ah lagu xareeyay hoolka doorashada , iyadoo ergadii saxda aheyd aanan la geyn goobta cod bixinta.

Magaalooyinka kale ee Jowhar iyo Cadaadana sidoo kale, balse waxaa kala badnaa dhaqaalaha lagu iibsanayo codka uu xildhibaanka kusoo baxaya, waxaana arinta qaali kasii dhigay loolanka adag ee Xasan Sheikh iyo musharixiinta kale u dhaxeeya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bixisay dhaqaalaha ugu badan ee ay kusoo baxeen xildhibaano ay doonayaan, waxaana codadka meelaha qaar ay gaareen 30 kun oo doolar iyo ka badan.

Dhaqaalaha ugu badan ee madaxtooyada kusoo saartay xildhibaanada qaarkood ayaa ah kuwo laga keenay dekada magaalada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in dhaqaalahaan laga keenay Imaaraatka carabta oo Xasan Sheikh lasoo siiyay markii madaxda maamul goboleedyada dhaqaalaha loogu qeybiyay magaalada Dubia.

Shacabka iyo Ciidamada qaranka ayaa dareemaya baahi daran. waxaana xiligan abaaro ka jiraan deegaano badan oo Soomaalida degto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News