Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu tagay madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah olalahiisa doorashada, waxaana uu doonayaa inuu xildhibaanada halkaasi joogaa dhaqaalo ku qanciyo.
Xildhibaanada labaad ee ugu badan ayaa la filayaa iney ka yimaadaan deegaanada Jubbaland, waxaana uu doonayaa inuu saaxiibo badan ku dhex yeeshaa xildhibaanada.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka carooday hadal dhawaan uu jeediyay Cumar C.rashiid oo isna doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo ahaa in dalka u baahan yahay isbadal hogaan.
Waxaa Kismaayo ka bilowday loolan adag iyo kala qaadashada xildhibaanada Jubbaland ka imaanaya.
Cumar C/rashiid Cali, C/raxmaan Cabdu Shakiir Warsame iyo musharax Jabriil Ibraahim ayaa tagay magaalada Kismaayo, waxaana musharax kastaa uu doonayaa inuu xildhibaano helaa.
Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

