24.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Xog: Wasiir Nuux oo lagu helay Kiis halis ah oo keeni kara in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux lagu helay kiis la xiriira bixinta lacago laaluush ah.

Wasiir Nuux ayaa dhaqaalahaasi laaluushka ah siiyay laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka maamulka Hirshabelle, gaar ahaan kuwa ugu sareeya Guddiga.

Dhaqaalahaani uu bixiyay Wasiir Nuux, ayaa la sheegay in laga qaaday magaalada Muqdisho taariikhdu marka ay aheyd 02/12/2016, waxaana dhaqaalahaasi laga deemiyay sida la sheegay mid kamid ah Xawaaladaha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha laaluushka ah ee uu bixiyay Wasiir Nuux, ayaa waxaa qiyaasta lagu sheegay 11 Kun oo dollarka Mareykanka ah taa oo faraqa loogu shubay Labada Xubnood ee ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle.

Wasiir Nuux oo galay laba Danbi oo kala ah Rasaas uu ku furay Ergooyinka iyo Musharaxii la tartamaayay iyo Bixinta lacago laaluush ah si uu ugu soo laabto Doorashada, ayaa iminka u muuqda in laga reebi doono Liiska Musharaxiinta.

Xeer ilaalinta iyo Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo adeegsanaaya Astaamaha Cadaalad darida kusii baaheysa dalka, ayaa wada qorsho Wasiir Nuux loogu biirinaayo Doorashada.

Dowlada Somalia ee hadda sii dhaceysa ayaa saldhig u noqotay Cadaalad darro, Laaluush iyo Musuq-maasuq, waxa uuna qorshaha Xeer ilaalinta iyo Guddiga Doorashooyinka sabab usii noqonayaa Cadaalad dari kusii baahda dalka, maadaama Danbiile laga dhigay danbi la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News