25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Imaaraadka oo taageeradii kala noqday Cumar C/rashiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisay qorshe muddo socday oo ay ku taageereysay ololaha madaxtinimo ee Cumar Cabdirashiid, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in Imaaraadka ay Cumar Cabdirashiid ku war-geliyeen inaysan sii wadi karin taageerada ay siiyaan, taasi oo la yaab iyo rajo beel ku noqotay ra’iisul wasaaraha Waqtiga uu ka dhammaaday.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay is-beddelka ku yimid siyaasadda Imaaraadka oo ay xiriirka ugu jareen Sharmaarke, waxaase loo maleynayaa inay dareemeen in rajadiisa ay aad u liidato, oo aanu guuleysan karin.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegay in Imaaraadka ay hadda ka fakarayaan musharax kale, balse lama oga cidda ay u weecan doonaan.

Imaaraadka oo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan siyaasadda Soomaaliya ayaa doonaya in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu noqdo siyaasi ayaga ku xiran oo fuliya dantooda, maadaama aysan isku wanaagsaneyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka sokow diidamada Imaaraadka, Cumar Cabdirashiid oo xiriir la sameeyey dowladda Ethiopia ayaa waxaa loo sheegay inuu taageero Xasan Sheekh, si la mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News