25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maxaadan Ogeyn oo maanta ka dhacaya magaaladda xarunta u ah maamulka C/Welli gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Garowe lagu wadaa in lagu soo gabo gabeeyo doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulka Afaraad ee soo gabo gabeeyo doorashada xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, kadib doorashada maanta.

Gudiga doorashooyinka ee heer maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in maanta ay qorsheynayaan iney soo idleeyaan doorashada xildhibaanada aqalka Hoose.

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa  xalay lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Hoose oo mudo ka badan bil ka socotay Magaaladaasi.

Sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose, waxaana lagu soo gabagabeeyay Magaalooyinka Kismaayo , Jowhar iyo Baydhabo.

Walow maamulka HirShabeele kursigii ugu dambeeyay ee uu kusoo baxay wasiir Nuux uu murun badan ka taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News