28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga Xildhibaanada cusub ay kulmi doonaan (AQRISO)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka hadlay Doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Doorashooyinka Aqalka Hoose badi ay soo idlaaden waxa uuna sheegay in doorashada Madaxweynaha ay rajeenayaan in wakhtigeeda ay ku dhacdo.

Madaxweyne Xasan waxa uu soo hadal qaaday xiliga ay kulmi doonaan Xildhibaanada cusub ee dhawaan la doortay, waxa uuna sheegay in kulankooda koowad uu dhici doono 15-ka Bisha December ee aan ku jirno.

Xasan Sheekh waxa uu cadeeyay in Xildhibaanada cusub ay waxbadan ka duwanaan doonaan Xildhibaanadii hore waxa uuna farta ku goday in kuwo cusub ay u badan yihiin dhalinyaro.

Xildhibaanada cusub ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay iska soo xaadirin doonaan magaalada Muqdisho si ay u guda galaan shaqooyinkooda ugu horeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News