30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Puntland oo si weyn ugu xad-gudubtay qoondadii haweenka (Imisa ayaa laga soo doortay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa noqday maamulka ugu liita ee ka hor yimid qoondada haweenka ee Doorashada Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhibaato ku keentay maamulka Puntland iyo Guddiyada Doorashooyinka oo Puntland ku sifeeyay maamul hortaagan qoondada haweenka ee la doonayay in 30% meel loo dhigo.

Odayaasha beelaha Puntland ayaa noqday kuwa ugu adag ee ka hor yimid fursad la siiyo haweenka u tartamaya Aqalka hoose, waxayna qaarkood diideen inay wax haween ah soo sharxaan.

Doorashadii Aqalka hoose ee Garowe ka dhacday ayaa la xaqiijiyay in 37 xildhibaan oo lagu soo doortay ay kaliya ku soo baxeen 7 haween ah.

Qoondada ay haweenka ka heleen xildhibaanada lagu doontay Puntland waxay hadda noqotay 18.9% ama ku dhowaad 19%. Maamulka Jubbaland ayaa isna qoondada haweenka ka gaaray heerka labaad ee ugu xun oo ah 22%.

Maamulka Hir-Shabelle ayaa ah mamaulka kaliya ee xaqiijiya qoondada haweenka ee 30% inkasta oo si siman beelaha aysan uga soo bixin, oo beelo qaar haween badan soo direen, halka kuwa kalena rag badan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News