Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar culus oo lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlusunna.
Weerarka ayaa ka dhacay duleedka Maxaas, waxaana la soo warinayaa in mas’uuliyiintaasi ay ka badbaaden isku day dil, sida ay sheegen mas’uul ka tirsan maamulka Ahlusunna.
Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay in wadada ay u galeen ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Ciidamada la socday Mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa iska caabiyay kuwa Hirshabelle,waxaana burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay wateen Mas’uuliyiinta iyo ciidamada ka tirsan Ahlusunna.
Weerarka ayaa waxaa ku hormaray ciidamada Hirshabelle, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhan.
Docda kale, waxaan cadeyn Khasaaraha ka dhashay Iska hor imaadka inkastoo ay Mas’uuliyiinta Ahlusunna ka badbaadeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

