Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in dowaladda Imaaraadka Carabta ay ku lug leedahay arrimaha doorashada Soomaaliya, ayna kasoo horjeedo in dib loo soo doorto.
Xasan Sheekh oo galabta kormeer ku tegay dhisme ka socda xarunta Isbitaalka Sheekh Sayid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Imaaraadka carabta ay diidan tahay in dib loo doorto isaga oo ay wadato musharax kale.
Waxa uu sheegay in arrintaas ay tahay “dicaayado lagu waxyeelleynayo xiriirka iyo saaxiibnimada u dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya”, islamarkaana booqashadiisa ay astaan u tahay xiriirka labada dal oo uu sheegay mid sii xooggeysanaya.
Wuxuu sheegay In dalka Imaaraadka Carabta uu yahay dal taageero weyn siiya Soomaaliya la garab istaagay kaalmo dhinac waliba leh oo aysan u qalmin in wararka noocaasi ah laga faafiyo.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowaanahan si toos ah ugu lug lahayd Doorashada Soomaaliya, waxayna gadaal ka riixeysay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Booqashada maanta uu Xasan ku tagey safaaradda Imaaraadka ayaa timid maalmo un kadib markii Caasimada Online ay shaacisay in Imaaraadka ay ka tanaasuleen taageeradii Cumar Cabdirashiid, lamana oga in iminka Xasan ay isku dhowaadeen iyo in kale.
Sii haya xilka safiirka ahna ku xigeenka Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Xamdaan Rashiid Al-Shamsa, ayaa Xasan Sheekh uga mahad celiyey booqashadiisa safaaradda, waxa uu hoosta ka xariiqay in uusan xumaan xiririka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dalna ay yihiin walaalo wax wadaqabsi uu ka dhaxeeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

