Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa laalay natiijada kuraas dhowr ah oo lagu doortay magaalooyinka kala duwan ee maamulada dalka, kadib markii la ogaaday in hab qaldan ama musuq maasuq ku jiro lagu soo doortay.
Magaalada Baydhaba oo ilaa 7 kursi oo ka mid ah kuraastii halkaas lagu doortay ay dacwad ka taagneyd waxaa la laalay oo la baabi’iyay natiijadooda ilaa 5 kursi iyo xildhibaanadii lagu doortay, waxaana la shaaciyey in doorashooyinkooda dib loogu noqon doono.
Xildhibaanada kuraastooda la laalay ee dib loo dooranayo waxaa ka mida Muna Kay iyo Samra Ibraahim.

Kuraastan ayaa ka mid ah kuraas dhowr ah oo guddiga uu go’aamiyey in doorashadooda dib loogu noqdo, waxaana la filayaa in guddiga uu shaaciyo dhammaan kuraastaas, hase yeeshee shanta kursi ayaa si horudhac ah ay u heshay Caasimada Online.
Kuraasta la laalay kuma koobna kaliya kuwa lagu doortay Baydhaba waxayna saameyn doontaa dhammaan magaaloyinka sida Cadaado, Jowhar, Garowe iyo Kismaayo.
Hoos ka akhriso liiska xildhibaanada la laalay kuraastooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]