Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa u ambabaxay dalka Imaarada carabta, gaar ahaan Magaalada Abu-Dhabi
Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa diyaarad gaar ah ka raacay Garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ee maamulka Puntland.
Diyaarada qaaday Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, ayaa la sheegayaa in looga soo diray magaalada Abu-dubai, waxaana halkaasi ka raacay tirro mas’uuliyiin ah oo ay ku jireen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Safarka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ee magaalada Abu-dubai, ayaa salka ku haya arrimo khuseeya ololihiisa doorashada.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa maalmahaani arrimo la xiriira ololihiisa u joogay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, magaalada Garoowe shalay uga qaybgalay kulankii lagu sagootinayay xildhibaanada labada aqalka, isagoo wixii intaa ka danbeeyay kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanadda labada aqalka, kaasi aan la shaacin wixii lagaga hadlay.
Dowlada Imaaraadka Carabta oo taageero la dabataagneyd Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa dhowaan u sheegtay inay joojisay, waxaana loo maleynayaa in socdaalkan uu la xiriiro sidii uu arrintan wax uga qaban lahaa.
Dhinaca kale, Safarka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh shalay isna booqday Safaaradda dowladda Imaraadka ay ke leedaha magaaladda Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Safiirka iyo diblamaasiyiinta kale ee Safaaradda
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]