28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Shirka madasha oo hal qodob oo xasaasi la isku fahmi la’ yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta maalintii seddexaad galay shirka madaxda madasha wadatashiga ee dowlada iyo maamul goboleedyada dalka.

Waxaa jiro qodobo dhowr ah oo la isku mari la’ yahay kuwaasi oo sababay in dib u dhac uu ku yimaado shirka madasha wadatashiga.

Shirka madaxda oo xalay ilaa saqdhexe la isla gaaray ayaa la filayaa in maanta gelinka hore ay yeeshaan kulankooda, waxaana laga baqayaa inuu sii dheeraado.

Qodobada adag ee  la isku mari la’ yahaya yaa waxaa kamid ah sida laga yeelayo 11 kursi oo dhawaan gudiga xalinta khilaafaadka ay laaleen.

Beesha Caalamka ayaa ku dhagan labo kursi oo ah wasiir Nuux iyo C/.qaadir Gaafow oo la dhashay taliyaha nabad sugida, waxaana loo aqoonsaday iney yihiin kiisaska ugu culus ee ka dhacay Cadaado iyo Jowhar.

Laakiin waxaa sidoo kale jira in lagu dhagan yahay xildhibaanada kale ee la laalay dhawaan.

Beesha caalamka ayaa dhinaca kale dooneyso in la cadeeyo waqtiga rasmiga ah ee doorashada xitaa haddii sanadka cusub gaareyso.

Laakiin madaxda madasha qaar ayaa qaba in arimaha doorashada loo daayo baarlamaanka cusub, go’aan iyo gudiyana kasoo saaraan marka kulankooda koowaad yeeshaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News