27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Fadeexad: Guddiga xalinta Khilaafaadka oo halis ugu jira in laga saaro hoteelka ay degan yihiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban C/risaaq Barre Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in DFS aysan ka helin Mushaaraadka iyo xuquuqaha gaarka ah oo ay ku leeyihiin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in lagu leeyahay lacagihii ay ku degnaayen Hoteelka waxa uuna tilmaamay inay halis ugu jiraan in lagu soo dalaco dhaqaale aysan bixin Karin, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye C/risaaq Barre ayaa tilmaamay in mudada ay degan yihiin Hoteelka ay isticmaalen dhaqaale xoogan waxa uuna intaa ku daray inaysan garankarin in dhaqaalahaasi ay bixin doonto Dowlada iyo inkale.

Guddiga Khilaafaadka ayaa ku dhexjira Jahwareer kadib markii ay laalen xubno dhowr ah oo laalistooda ay ka taagan tahay Khilaaf uu xalkiisa adag yahay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo xal loogu raadinaayo xubnaha Musuqa lagu doortay ee Guddiga uu laalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News