29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog laga helay arrintii Gaas iyo Keating ay ugu shireen Xasan Sheekh?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ka dhacay kulan Khaas ah oo u dhexeeyay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlaayay arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday Xildhibaanada lagu soo doortay qaabka Musuqa ah.

Micheal Keating, ayaa C/wali Gaas u sheegay in Beesha Caalamka ay ka go’an tahay in dhammaan Xubnaha lagu doortay qaabka Musuqa ay banaanka usoo saari doonaan, waxa uuna cadeeyay in iminka ay hayaan tirada saxda ah oo uu ku sheegay ilaa 23 xubnood.

Micheal Keating, waxa uu C/wali Gaas u sheegay in aqbalaada Xubnaha lagu doortay Musuqa ay ka doorbidayaan in dib loogu soo celiyo gabi ahaan Doorashada Xildhibaanada.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale Ergayga u sheegay in Madaxtooyada Somalia ay dhigeyso dibin-daabooyin lagu fashilinaayo Doorashada Madaxtinimada.

Gaas waxa uu cadeeyay in Madaxweynaha Somalia xitaa uu diyaarinaayo Ergooyin la doonaayo in laga qaado magaalada Muqdisho oo dib usoo doorta Xubnaha la diidan yahay, waxa uuna dalbaday in Beesha Caalamka ay il gaara ku fiiriso dhaqdhaqaaqyada ay wado Madaxtooyada.

Dhinaca kale, Labada Mas’uul ayaa lagu wadaa in kulan kale ay kuwada qaatan Magaalada Muqdisho, ka hor inta aan lasoo xirin kulamada xalka loogu raadinaayo Khilaafka xubnaha Aqalka Hoose ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News