31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: DF oo ka hortageysa dad soo dhoweynaya Farmaajo kadib arrin laga war-helay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa sheegaya in Ciidamo gaara loo diyaariyay ka hortaga Banaanbaxyada lagu soo dhaweynayo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ka hortaga Banaanbaxyada ayaa la sheegayaa in loo diyaariyay Ciidamo ka kala tirsan Booliska, Nabadsugida iyo Milliteriga kuwaasi oo lagu daadin doono Daljirka Dahsoon ilaa Isgooyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sargaalka aan Xogtaani la wadaagnay ayaa sheegay in Sidoo kale Ciidamo gaara lagu daadin doono wadada gasha Garoonka Aadan Cadde kuwaasi oo ka hortagi doona dad xerooyinka laga soo qaaday oo qado looga bedeshay inay banaanbax kusoo dhoweeyaan Farmaajo.

Dowladda ayaa ka cabsi qabta in kooxaha nabad-diidka ay qaraxyo la beegsadaan dadka masaakiinta ah ee isku soo baxaya.

Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa maalinta Talaadada ah kusoo beegan magaalladda Muqdisho, si uu ugu diyaar-garoobo Doorashadda Madaxtinimadda oo la shaaciyey inay dhici doonto bishan December 28-da.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News