30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Maxaad ka ogtahay waxa ka socda laba guri oo ku yaal dhabarka danbe ee Villa Somalia?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo isku xiran oo isugu jira mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowladdii u danbeysay ee Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah u bilaabay ololaha musharaxa madaxweyne ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararku waxay sheegayaan in ololaha xooggooda uu ka socda guri weyn oo ku yaal dhabarka danbe ee madaxtooyada, halkaasi oo la dhigay TV-yo waaweyn oo dadka imaanaya ay ka daawanayaan muuqaallo ka hadlaya waxqabadka Xasan Sheekh mudadii afarta sano ee uu madaxweynaha ahaa iyo dacaayado loo sameeyay.

Sidoo kale, waxaa guri kale oo aan ka fogeyn ka socda ololaha Xasan Sheekh, waxaana labadaasi guri ku sugan siyaasiyiin iyo dhalinyaro u diyaarsan inay soo jiidaan xildhibaanada.

Ilaa 50-meeyo xildhibaan ayaa la sheegay in ay iska xaadiriyeen labadaasi guri, waxaana loo sameeyay balan qaadyo iyo wax xooggaa gacan saar ah, iyadoo maalmaha doorashada ay ka harsanaan doonaan labo maalin ilaa hal maalin la guddoon siin doonaa lacagaha ay cododka ugu iibsanayaan Xasan Sheekh.

Xildhibaano aan badneyn ayaa la dejiyay hoteelo ku yaal Muqdisho, kuwaasi oo cododkooda ay isku haleyn karaan kooxda ololaha Xasan Sheekh.

Xiliga loo calaamadeeyay doorashada in ay dhacdo oo ku beegan 28-ka bishan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay dib u dhac kale ku yimaado, maadaama saan saanta muuqata ay tilmaameyso dib u dhac kale oo bisha Janaayo ay lugaha la geli doonto doorashada madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News