Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa laalay laba kursi oo ka mid ah kuraasta cusub ee Aqalka hoose oo lagu doortay magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.
Kuraastan ayaa ahaa kuraasta beelaha Dhamal Aden iyo Obokor Muse ee Jimcihii lagu doortay Muqdisho, waxaana sabab looga dhigay in goobta Doorashada ay ka maqnaayeen warbaahinta iyo goobjooyaasha caalamiga ah, sidaa darteedna aan la xaqiijin karin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


