31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xujo adag: Xildhibaanada cusub oo diiday inay musharaxiinta ka qaataan dollar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Jahwareer ayaa ka dhex taagan xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya iyo musharaxiinta lacagta xooggan haysta ee doonaya inay codadkooda iibsadaan, sida ay xildhibaanada qaar ka mid ah u sheegeen Caasimada Online.

Wareerkan ayaa salka ku haya qaabka xildhibaanada lacagta loo siinayo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in musharaxiinta qaar ay doonayaan inay lacag dollar oo been abuur ah siiyaan xildhibaanada.

Arrintan ayaa dhalisay in xildhibaano badan ay u sheegeen musharaxiinta lasoo xiriiray inaysan qaadan doonin lacag dollar kaash ah.

Xildhibaanada ayaa ku adkeysanaya inay doonayaan in lacagtooda si toos ah loogu shubo account ugu furan qaar ka mid ah bankiyada ku yaalla Muqdisho, arrintaas oo iyana ay diidan yihiin musharaxiinta qaar.

“Musharaxiinta ma doonayaan inay account lacag ku shubaan, waayo taas waxay dhallin kartaa in la ogaado, oo beesha caalamka ay ku eedeyso musuq maasuq, anagana ma dooneyno lacag kaash ah waayo waxaan maqalnay in dollar been abuur ah uu magaalka ku jiro” waxaa sidaas yiri xildhibaan codsaday inaan la magacaabin oo la hadlay Caasimada Online.

Arrintan ayaa illaa iyo hadda wax xal ah loo helin, inkasta oo cod iibsashada ay billow tahay oo weli aan la gaarin waqtigii lacagta la bixin lahaa, waxaana hadda socda kaliya wada-hadallo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News