28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Agaasimihii madaxtooyada Puntland oo toogasho lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bosaso (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dishay Agaasimihii xarunta Madaxtooxyada Puntland ee Bosaso Aadan Gaas Huruuse.

Agaasimaha ayaa waxaa 5 baalooto looga dhuftay Madaxa iyo qeybaha sare ee jirkiisa waxaana lasoo warinayaa in Kooxihii dilkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Aadan Gaas uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas kooxaha hubeysan la dhaceen.

Toogashada Agaasimaha ayaa ka dhacday Huruuse Hotel oo ku yaal bartamaha magaaladda xili halkaasi uu ku shaahayay.

Agaasime Aadan Gaas ayaa la sheegay in muddo 12 sanno uu ka shaqeynaayay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Bosaso, wuxuuna ahaa nin oday ah oo da’diisu ay kor u dhaaftay 60 sanno.

Dilka Agaasimaha ayaa imaanaya xili gudaha Asbuucaani toogasho lagu dilay taliye kuxigeenka Booliiska Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News