23.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka hadlay musuq maasuqa doorashooyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Maxamed Cali Nuur Ameeriko, Danjirihii hore ee Soomaaliya u qaabilsanaa dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya.

Danjire Ameeriko waxa uu ugu horreyn xusay in Kuraasta la soo bandhigay ee Liiska kuwa la Musuqmaasuqay ah aysan ahayn intaas kaliya balse laga soo tagay kuraas fara badan oo la boobay sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin aad u naxdin leh iyadoo lagu jiro 2016 in la xallin waayo Kuraasta la Musuqmaasuqay, waxaaba ka sii daran kuwa 11-ka la shaaciyay ka mid ah in la siiyay Shahaadooyinkii Xildhibaanimo wax lala yaabo waaye midaas” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Sidoo kale Musharrax Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ah shaqsigii u soo gacan geliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya umadda Soomaaliyeed maadaama ay isaga daneysanayeen shaqsiyaad aan Soomaali ahayn ayaa daaha ka rogay in wax aan loo aayin ka soo bixi karaan doorashooyin Musuqmaasuq ah oo Xildhibaanno lagu soo saaro iyadoo shaqsi si gaar ah loogu daneynayo.

Musharrax Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa la rumeysan yahay in uu ka mid yahay shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee loo arko in ay yihiin kuwa badbaadin karaan dalkaan Soomaaliya.

Waxaana inta uusan ku dhawaaqin Musharraxnimadiisa booqashooyin ku soo kala bixiyay inta badan deegaanada Dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News