27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Go’aanka Madasha: Musharaxiinta oo lagu xiray lacag badan iyo tiro xildhibaano ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay Xubno ka tirsan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, ayaa sheegaya in go’aan lagu gaaray laba Qodob oo ka mid ah Ajendayaasha caqabadda ku noqday Madasha.

Xogta aan goordhow helnay ayaa tibaaxeysa in labada Qodob ee leysku raacay ay yihiin kuwo salka ku haya Doorashooyinka Somalia waxaana labadaasi Qodob ay kala yihiin:

1 – In musharax kasta uu haysto taageerada ugu yaraan 20 xildhibaan oo ballan qaadaya inay codadkooda siin doonaan.

2 – In Musharax waliba oo u tartamaaya Doorashada Madaxweyninimo uu bixiyo Kharajka diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, ayaa sidoo kale isla gorfeyneyso Qodobo kale oo wali uu ka taagan yahay Muran Ballaaran oo saameyn ba’an ku yeeshay Doorashada Somalia.

Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweyninimo ayaa waxaa badi garab taagan Dowlado faragalin ku haya Siyaasada Somalia, waxaana suuragal ah in Hogaamiyayaasha Madasha ay qafiifiyaan Dhaqaalaha lagu diiwaan galinaayo Musharaxiinta ee aan Kor kusoo xusnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News