Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ku shirsan Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo ka doodayo arrimaha ku xeeran Doorashada Somalia.
Qoraal qabyo ah oo ka mid ah war-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha ayaa lagu sheegay in Hogaamiyayaasha si hordhac ah isugu raacen Xiliga la qaban doono Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa iyo xiliga ay qabsoomi doonto Doorashada Madaxweyninimo ee Somalia.
Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa go’aan ku gaaray in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.
Madaxda Madasha ayaa sababta dib u dhaca ku sheegay in Wakhtiga lagu ballamay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay aad u yartahay, isla markaana uu wali jiro Khilaafyo kala duwan oo dhanka Aqalka Hoose ah.
Hogaamiyayaasha Madasha ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo bandhigaan War-murtiyeedka lagu cadeyn doono in Doorashada ay dib uga dhacday xiliga lagu balamay.
Hogaamiyayaasha ayaa horay ugu ballamay in Doorashada Madaxweynaha la qabto 28 Bisha aan ku jirno waxaana muuqaneysa in Dowlada Somalia ay ku fashilantay qabashada Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

