Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay sawirka nin ay ku sheegtay inuu ahaa darawalkii gaarigii ku qarxay kasoo horjeedka dekadda Muqdisho 11-kii bishan, qaraxaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 25 qof oo shacab u badnaa.
Ninkaan oo magaciisa ay ku sheegtay NISA, Maxamed Ibraahim Xasan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada sirdoonka.
NISA ayaa sidoo kale sheeegtay in gaariga qarxay lagu soo diyaariyay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadibna lasoo geliyay Muqdisho, iyadoo xili habeen ah la dhigay kasoo horjeedka dekadda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

