28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Waqtiga cusub ee doorashada madaxweynaha oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uul ka tirsan Guddiga Doorashadda ayaa xaqiijiyay in markii 4-aad ay fashilan tahay Doorashada Somalia, kadib markii ay soo ifbaxday Musuq harereeyay Hanaanka lagu maareyn lahaa Doorashada.

Mas’uulkaani oo u waramaayay Wakaalada Wararka Associated Press ee magaceeda loo soo gaabiyay AP, ayaa sheegay inuu burburay Jadwalkii ugu danbeeyay ee lagu qeexay xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka.

Mas’uulkaani ayaa sheegay in Cod-bixinta horay loogu dhawaaqay ay aheyd in Doorashadu ay qabsoomeyso Bishan December 28-ka oo ku beegan maalinta Arbacadda ee soo socota.

Waxa uu sheegay in dib u dhac uu ku imaaday Doorashada isla markaana la qorsheeyay in la qaban doono Bisha soo socota ee January 24-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee BFS la dooran doono Bisha afarta January ee sannadka soo socda, sida uu haddalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray Mas’uulkaasi in Xildhibaanadda Barlamaanka cusub la filaayo in la dhaariyo maalinta Arbacadda ee soo socota.

Hogaamiyayaasha Madasha oo muddo Asbuuc ah ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaan wali muddo u qaban Xiliga la dooran Doono Madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News