Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Hoggaanka Qaran ayaa go’aan cusub ka gaartay kuraastii muranka uu ka taagnaa ee Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed cusub oo caawa kasoo baxay Madasha.
Warsaxaafadeedka xa lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Madasha ay go’aan ku gaartay in dib loogu laabto doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuwii muranka uu ka taagnaa, inta kalena la fasaxay.
Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran
Warmurtiyeed
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)
Muqdisho 24-26 Disembar 2016
Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka. Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka.
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)
▪ Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016
▪ Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey
▪ Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD
Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay
a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:
1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan
2) HW/0055/GM Murusade
3) HW/0094/JL Gaaljecel
4) DM/0156/KG Macallin Wayne
5) HW/0208/HSH Jidle
b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;
c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.
d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.
————————————DHAMMAAD———————————
Shador Haji Mohamud
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Dowlada Federaalka Soomaaliya
[email protected]

