Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda Imraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Osman Alxamadi, oo Saldhig ka dhigtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa daboolka ka qaaday sababta uu uga soo horjeedo Musharaxiinta Hawiye ee Madaxtinima doonka ah.
Sida ay Caasimada Online u sheegeen diblomaasiyiin ku dhow Imaaraadka, danjiraha ayaa sheegay in Siyaasada Somalia ay Saldhig u noqotay mid ku xeeran Qabiilo is duleysta, waxa uuna tilmaamay in Siyaasiyiinta Hawiye aysan ka dhex arkin danta Imaaraadka Carabta
Danjiraha waxa uu tilmaamay in Hawaye ay dhowr sanno soo hogaamiyeen Somalia, iminkana loo baahan yahay in la tijaabiyo Beelaha kale ee laga soo miyay Hogaanka Siyaasada Somalia.
Alxamadi, waxa uu xaqiijiyay in Imaaraadka uu dan weyn ka leeyahay Soomaaliya, ayna taageerayaan musharax kasta oo dantaas fulinaya.
“Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beelaha Hawiye ma hanan karaan Siyaasada Somalia, mana ahan kuwa saaxiib u ah Imaraadka, waxaan dooneynaa in la tijaabiyo Beelaha kale ee aan Hogaamin Somalia ama aan Hogaaminta ku dheeraan” ayaa diblomaasiyiinta ay kasoo xigteen.
“Somalia waxa ay u baahan tahay isbedel dhanka Siyaasada ah qorshaheenu maaha inaan caburino Beel gaara, balse waxaa naga go’an inaan Somalia u sameyno Hogaan ka duwan kuwii hore”
“Qorshaha Imaaraadka waxaa ka weyn Nasiibka, Musharax waliba wuu ka dhabeyn karaa inuu ka mirro dhaliyo hamigiisa ku aadan Hogaaminta Somalia, balse waxaan xaqiijinayaa in qorshaheena uu yahay mid ka duwan kan la saadaalinaayo” ayuu yiri Alxamadi.
Alxamadi waxa uu ka meer meeray wararka sheegaya inay taageersan yihiin Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid, balse waxa uu xaqiijiyay inay doonayaan Isbedel muuqda oo lagu soo dabaalo Somalia, si looga hanaqaado Siyaasada iminka laga dhaqangaliyay Somalia.
Dowlada Imaaraadka oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay laba jibaartay faragalinta Siyaasada Somalia ayaa waxaa iminka la xaqiijiyay inay kala geyneyso Musharaxiinta loolanka ugu jira Hogaaminta Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

