28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Aqriso: Magacyada iyo beelaha 5-ta xildhibaan ee doorashadooda lagu laabanayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Madasha Qaran ee baryahaani ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa go’aan ku gaartay in dib loogu laabanyo 5 kursi oo muran badan dhaliyay.

Hogaamiyayaasha Madasha oo isla gartay Kuraasta lagu celin doona ayaa waxa ay shaaca ka qaaden in Guddiga Doorashooyinka lagula xisaabtami doono qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

Hogaamiyayaasha ayaa isla gartay Shanta Xildhibaan ee doorashadooda lagu laabanayo oo kala ah:

1-Maxamed C/llaahi Xasan Nuux Hirshabelle Qabiilka Jidle

2-Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Koofur Galbeed Digil Macalin weyne

3- C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug Murarsade

4-Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland Ugaar Saleebaan

5-Cabdulaahi Maxamed Aadan Jubbaland Gaaljecel

Docda kale, Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in Guddiga looga baahan yahay in il gaara ay ku hayaan hanaanka ay u dhaceyso Doorashada 5-ta Xubnood.

Hogaamiyayaasha ayaa Guddiga ku adkeeyay inaan laga aqbali doonin inay dayacaan mas’uuliyada maadaama Kuraastaani ay muran badan dhaliyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News