Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Madasha Qaran ee baryahaani ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa go’aan ku gaartay in dib loogu laabanyo 5 kursi oo muran badan dhaliyay.
Hogaamiyayaasha Madasha oo isla gartay Kuraasta lagu celin doona ayaa waxa ay shaaca ka qaaden in Guddiga Doorashooyinka lagula xisaabtami doono qaabka ay u dhaceyso Doorashada.
Hogaamiyayaasha ayaa isla gartay Shanta Xildhibaan ee doorashadooda lagu laabanayo oo kala ah:
1-Maxamed C/llaahi Xasan Nuux Hirshabelle Qabiilka Jidle
2-Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Koofur Galbeed Digil Macalin weyne
3- C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug Murarsade
4-Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland Ugaar Saleebaan
5-Cabdulaahi Maxamed Aadan Jubbaland Gaaljecel
Docda kale, Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in Guddiga looga baahan yahay in il gaara ay ku hayaan hanaanka ay u dhaceyso Doorashada 5-ta Xubnood.
Hogaamiyayaasha ayaa Guddiga ku adkeeyay inaan laga aqbali doonin inay dayacaan mas’uuliyada maadaama Kuraastaani ay muran badan dhaliyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

