Muqdisho (Caasimada Onlie) – Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo go’aanka ay Madashu dib uga laabatay 18-kii kursi ee lagu kordhiyey Aqalka sare.
Go’aanka dib uga laabashada Kuraastaasi ayaa timid kadib markii faragalin toosa ay sameeyen QM iyo IGAD, waxaana faragalinta ugu culus ay ka timid dhanka Dowlada Mareykanka.
Warqado kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka oo soo gaartay Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa Madasha loogu baaqay in muddo Seddex maalin gudahooda ay uga laabato go’aanadii kasoo baxay ee lagu saa’ideyay kuraasta Aqalka Sare.
Nuqul kamid ah Warqada kasoo baxay Wasaarada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in wixii intaa ka danbeeysa aysan Madasho awood buuxda u laheyn go’aan gaarista, waxaana Madaxtooyada Somalia la faray in howlaha la xiriira Go’aanada looga danbeeyo Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Nuqulada ku qeexan Warqada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Madashu aysan laheyn awood gaara, isla markaana looga maarmay Baarlamaanka Cusub, waxaana Warqada lagu cadeeyay in go’aanada iminka horyaal Madasha loo dib dhigo Doorashada kadib.
Dowlada Mareykanku waxa ay sidoo kale ku goodisay inay qaadan doonto Go’aan dhabarjab ku noqon doona Qaranka Somalia, waa haddii laga talaabo qorshooyinka ku qeexan Warqadaha kasoo baxay Wasaarada.
Madasha Qaranka oo durba ka jawaabeysa go’aanka kasoo baxay QM, IGAD iyo Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dib uga laabatay 18-kii kursi ee lagu kordhiyey Aqalka sare.
Si kastaba ha ahaatee, Guud ahaan Madaxtooyada Somalia ayaa lagu wadaa inay dhaqan galiso qodobada ku qeexan Warqada kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]