Muqdisho (Caasimada Online) – Xogahayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, kuwasoo lagu dhaariyay Magaaladda Muqdisho.
Ban Ki-Moon ayaa ku booriyey Baarlamanka cusub inay sii wadaan Horumarka Siyaasadeed oo ay Somalia ku socoto si ay u dhameystiraan Hanaanka doorashooyinka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Cusub ee Hogaamin doona Somalia.
Ban Ki-moon oo xilka ka degi doono Bisha soo socta ee Janaayo 1-da ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo buuxiyo Kuraasta ka harsan Barlamaanka iyo in hubaal la geliyo in Qoondada Haweenka buuxiyaan Haween oo keliya.
”Baarlamanka waa inuu wax ka qabtaa arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ban Ki-Moon.
”Xadgudubyada iyo Maamul-xumada ay soo gudbiyeen Guddiyadda Doorashadda Federalka iyo Maamul gobaleedyadda, waa in si buuxda wax looga qabto, si loo ilaaliyo kalsoonida Nidaamka Doorashadda” ayuu kusii daray haddalkiisa.
Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale ka hadlay Musuqmaasuqa iyo wax isdabarintii doorashadda, isagoo tilmaamay in sharci darro kasta, xadgudub iyo wax isdaba marin oo ay soo tebiyeen guddiyada doorashada ee heer federal ama heer gobol si buuxda wax looga qabto si loo ilaaliyo sax ahaanshaha hanaanka doorashada.
Baarlamaankan 10aad ayaa waxaa hor yaala howlo culus oo la xiriira dhinaca sharciga, gaar ahaan dajinta hab raaca doorashada hogaanka sare ee Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]