27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Taliye ku-xigeenka ciidamada Villa Somalia oo lagu dhex kharijiyay gudaha madaxtooyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la khaarijiyay Sargaal sare oo ka tirsanaa Madaxtooyada Somalia.

Dilka Sargaalka oo ka dhacay gudah Madaxtooyada ayaa waxaa fuliyay Askari ka tirsanaa Ciidamada Koofi casta ee Madaxtooyada Somalia kaa oo la sheegay in dilka kadib uu baxsaday.

Sargaalka la dilay ayaa la tilmaamay in lagu magacaabi jiray Qoorgaab waaxaana dhowr xabadood looga hubsaday qeybaha Sare ee jirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sargaalka la dilay uu ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada.

Dowlada Somalia wali kama aysan hadal dilka Sargaalkaasi loo geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News