Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku sugan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan.
Madaxweyne Xassan iyo Shariif Xasan ayaa saacadihii ugu danbeeyay halkaasi ku qaatay kulan khaas ah oo ay uga wadahadlayeen Doorashada.
Kulanka labada Mas’uul oo qaatay ku dhawaad Lix Saacadood, ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh tanaasul uga dalbaday Musharax Shariif Xasan.
Shariif Xasan oo laga dalbaday tanaasulka ayaa diiday inuu la laabto go’aankiisa Musharaxnimo, isagoo qaadacay fursado badal ah oo loo soo bandhigay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Shariif Xasan usoo bandhigay laba qodob oo kala ah:
1-In Shariif Xasan laga dhigi Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Somalia, haddii uu muujiyo tanaasul ku aadan Musharaxnimadiisa.
2-In bedelkiisa uu la imaado mas’uul looga dhigo Guddoomiyaha Baarlamaanka si uu usii wato Hogaaminta maamulka K/galbeed.
Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyay inuu diiday labada qodob ee loo soo bandhigay waxa uuna taa bedelkeeda ku adkeystay Musharaxnimadiisa.
Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay in go’aankiisa uu yahay guul ama guul darro waxa uuna carab dhabay inuu kaashan doono nasiibkiisa.
Madaxweyne Xasan iyo Shariif Xasan oo isku fahmi waayay kulanka dhexmaray ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay kasoo dhoofan magaalada Addis Ababa.
Lama oga go’aanka uu qaadan doono Madaxweyne Xasan Sheekh, maadaama Shariif Xasan uu ku gacanseeray dalabka Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

