Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho dib uga bilowday Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka.
Doorashada oo maalmihii tagay hakat gashay, ayaa waxaa lagu wadaa in maanta ay dib u bilaabato, waxaana kuraastaasi ku tartami doona Musharaxiin dhowr ah.
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shaaca ka qaaday in Kursiga Koowaad ay ku tartami doonaan Musharaxiinta kala ah:-
1-Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan
2-Caasha Aadan Yuusuf.
3-Qaasim Ismaaciil Axmed.
4-Ismaaciil Xasan Jaamac.
Guddigu waxa uu intaa ku daray in Kursiga labaad ay ku tartami doonaan Musharaxiinta kala ah:
1-Ridwaan Xirsi Maxamed
2-Baarliin Xasan Qalinle.
3-C/fitaax Ismaaciil Daahir.
4-Shukri Faarax Cilmi.
Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay in Kursiga Saddexaad ay ku tartami doonaan Musharaxiinta kala ah:-
1-Faadumo Cusmaan Nuur.
2-Muuse Ismaaciil Jaamac.
Docda kale, Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Gobolada Waqooyi ay mareyso heer gabagabo isla markaana loo gudbi doono Doorashada Aqalka Sare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

