29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Guddiga doorashada gudoonka baarlamanka oo qaab aan la fileyn loo qeybiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu dhawaaqay gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan xildhibaanada ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta oo ay xaadireen xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Cismaan Cilmi Boqore, gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee baarlamaanka ayaa sheegay in gudigan lagu soo xulay nidaamka Soomaalida wax ku qeybsato ee qabaliga.

Guddiga doorashada lama fileyn in lagu soo xuli doono qaab beeleed, laakiin in beel iska aragtaa goobta gudiga ayaa waxay qasabtay in qaab qabaa’ileed lagu soo xulaa xildhibaanada.

Gudiga ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaana la filayaa iney ka shaqeeyaan arimaha doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News