Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay Musuq-maasuqa ka jira Somalia iyo tuhunka ay Beesha Caalamka usoo jeedineyso Dowlada Somalia.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Dowladiisu ay wakhti badan ku bixisay la dagaalamka Musuqa, waxa uuna tilmaamay in marnaba aysan u dulqaadan doonin musuq ka hirgala xarumaha Dowlada Somalia.
Waxa uu tilmaamay in dagaal adag uu la geli doono Musuq-maasuqa hadii mar kale uu noqdo Madaxweynaha Afarta sana ee soo socta.
”Waxaan ballanqaadayaa inaan la dagaalami doona musuq-maasuqa ka jira xarumaha Dowlada waa haddii aan mar kale ku guuleysto afarta sano ee fooda nagu soo heysa.
”Aad ayaan uga xumaha in Dowladeydu talaabo musuq ah ay qaado, waayo waxaan u taaganahay inaan laalo wixii lagu helo musuq”
Xasan Sheekh waxaa uu sidoo kale sheegay in haddii la doorto uu sameyn doono Hay’addo ku xeel-dheer la dagaalanka Musuqa si buu yiri loo kala yareeyo musuqa lagu tuhmay mas’uuliyiinta dowlada qaarkood.
Haddalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya xili shacabka iyo Beesha Caalamka ay ka qeylinayaan musuqa ka dhex jira Hay’adaha Garsoorka iyo Xarumaha kale ee Dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]