27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Meydadka lamaane caddaan ah oo laga helay xeebaha Marka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada online) – Meydadka lamaane ajaaniib ah ayaa laga helay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan duleedka magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Meydadka ajaaniibta ahaa waxaa soo tuftay xeebta deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in lagu aasay deegaankaasi.

Ruuxa dumarka ee meydkeeda xeebta laga helay ayaa waxaa ay wadatay dahab badan, waxaana lagu arkay qoorteeda  iyo gacmahaada Dahab ay wadatay.

Waxaa loo malaynayaa inay kasoo jeedaan asal ahaan wadamada reer Galbeedka, dadka deegaanka ayaana sheegaya inay adag tahay in si weyn loo gartaa.

Waxaa jirkooda ka muuqday dhaawac loo malaynayo inay kaluunta iyo dhagxaanta xeebta u geysteen.

Lama oga lamaanahaan halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News