Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa wali ku kala aragti duwan Musharaxa xilka guddoomiyaha ee Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xiddig.
Xildhibaanada qaar ayaa si bareera uga soo horjeestay in Xildhibaan Xidig uu isku taago xilkaasi, kadib markii lagu eedeeyay inuu yahay shaqsi aan u qalmin xilka.
Xildhibaanadu waxa ay tilmaameen in Xiddig uusan waligii baran sharciyada suuragalinkara in loogu cadaalad falo Xildhibaanada BFS.
Xildhibaan Xiddig oo kulan khaasa la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa weydiistey codka in ay siiyaan, kuwas oo ku xujeeyey in uu soo kaxaysto Madaxweynaha Jubaland ka hor inta aysan gorgortan gelin.
Xiddig ayaa waji gabax kala kulmay Xildhibaanada Somaliland ee ka tirsan BFS, waxa ayna Xildhibaanadaasi ka biya diideen inay la gorgortamaan.
Xildhibaanada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan caddeyn sida Xildhibaan Xiddig u kala qaybinayo Bulshada Soomaaliyeed iyo xiriirka kala dhaxeeya Ethiopia.
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Musharax Cabdirashiid Xiddig uu yahay nin ol-olihiisa doorashada laga maamulayo qunsuliyadda Itoobiya ee Muqdisho halkaas oo aanu ka dhamaan ahna xafiiskiisa qarsoon.
Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xiddig ayaa caqabado kala duwan kala kulmaaya Xildhibaanada, waxaana laga cabsiqabaa in looga itaal roonaado Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]