Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa si buuxda isku diiwaan galiyay Xildhibaanada doonaaya inay Hogaamiyaan Baarlamaanka cusub ee Somalia kuwaa oo taageero kala duwan ka heysta Dowladaha deriska la ah Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa garab ka heysta Dowlada Ethiopia oo uu kamid yahay Sirdoonkeeda ka howlgala gudaha Somalia.
Xidig waxa uu sidoo kale garab ka helayaa maamulka Koonfur Galbeed ee uu Hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in dhaqaalaha lagu bixin lahaa Xildhibaanada dooran lahaa uu Shariif Xasan kasoo qaaday Dowlada Ethiopia.
Xildhibaan Xiddig ayaan Taageero ka heysan Xildhibaanada Beesha Daarood oo iyagu ka didsan Musharaxnimadiisa maadaama ay wataan Musharaxiin dhowr ah oo ay la doonayaan in Afarta Sano ee soo socta midkood uu Hogaamiyo Somalia.
Xiddig ayaa markii laga soo tago qiirada heysa aan laheyn Siyaasad uu ku hogaaminkaro Baarlamaanka Cusub, waxaana xusid mudan in mudada uu ka tirsanaa Baarlamaanka ay aad u yareyd inta jeer ee uu xaadiray fadhiyada Baarlamaanka.
Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Somalia iminkana ka tirsan Baarlamaanka Cusub ayaa aad uga walwalsan Musharaxnimada Xiddig, iyagoo ku eedeeynaaya inuusan laheyn aqoonta lagu hogaamin lahaa Baarlamaanka cusub.
Sidoo kale, qaar kamid ah Xildhibaanadii hore ayaa qaba in Xildhibaan Xiddig uusan laheyn cilmigii lagu hogaamin lahaa Baarlamaanka, Maadaama uusan horay u baran cilmiga Qaanuunka iyo sharciyada.
Si kastaba ha ahaatee, Guusha Xildhibaan Xiddig ayaa fursad u noqon doonta Dowlada Ethiopia oo dooneysa in Dastuurka iyo sharciyada lagu maamuli doona dalka gacanta ku dhigto.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

