27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dhageyso: Ciidamada Amisom oo si arxan darro ah u dilay wiilal walaalo ahaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baraawe (Caasimada Online) – Ciidamada Amisom ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay tuulada Wareer Ma Leh oo hoos tagta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen ehellada labadan wiil.

Labada wiil oo ilmo abti ilmo eedo ahaa ayaa ciidamada Amisom waxay ku dileen meel ceel ah oo ay wiilashan xoolo u aroorsheen sida uu sheegay Sheekh Ciise Maxamed Nuur oo ka mid ah dadka deegaanka.

Labada wiil ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdiraxmaan Xasan Buraad, oo ahaa 17 jir ahaa iyo Cabdi Xasan Baryar oo isna 15 jir ahaa, waxayna wateen geel markii la dilay.

Ciidamada Amisom ayaa si ula kac labada wiil xabado aan xisaab lahayn ugu furay heer ay gaareen in jirkooda goo go’o oo xitaa meydka la qaadi waayey, ayaga oo hilibkii meydka ku tuuray jiqda.

Waxaa sidoo kale la sheegya in 70 neef oo geel ah ay ciidamada Amisom ka dhigeen qaar ay dileen iyo qaar la la’yahay.

Dhacdadan oo dhacday shalay gelinkii dambe, ayeysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli ka hadal. Dowladda ayaan inta badan ka hadal xasuuqa Amisom ay ka wadaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News