28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Video: Safiirka cusub ee UK oo ka hadlay hiigsiga iyo siyaasadda loo soo xil saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Safiirka cusub ee dowladda Britian usoo magacowday Soomaaliya David Concar ayaa xilka kala wareegaya Harriet Mathews oo mudadii loogu talagalay dhameysatay.

Fariim muuqaal ah oo lasoo dhigay barta bulshada ku xiriirto ee Twitterka iyo Facebook ee safaaradda Britian ee Muqdisho ayuu ku sheegay safiirka cusub in yoolkiisa yahay kor u qaadista xiriirka Somalia iyo UK, kana shaqeyn doono sidii labada dal u yeelan lahaayeen xiriir adag.

“Mudnaanta koowaad ee shaqadeyda waxaan siin doonnaa inaan hubino sii socoshada taageerada iyo wada shaqeynta Britian ay la leedahay Somalia si loogu guuleysto horumarada la sameynayo’’ ayuu yiri David Concar.

David Cancor ayaa noqonaya safiirkii seddaxaad ee Britian usoo magacoowdo Somalia tan iyo markii Muqdisho laga furay safaarada oo ku taal xerada Xalane ee saldhiga u ah ciidamada AMISOM.

- Advertisement -

Read more

Local News