25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

99 Xildhibaan oo ku dhawaaqay isbaheysi isbeddel doon ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku xirnaansho ay sameynaayan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo u diyaar garoobaya doorashada Madaxweynaha.

Ku dhawaad 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay u midoobeen isbadal ku yimaada hogaanka dalka Soomaaliya.

Xildhibanaadaasi waxaa horkacaaya Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo dhawaan looga guuleystay xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xidig, wuxuu sheegay in xildhibaanadaasi ay gabi ahaanba u midoobeen sidii ay xilka kaga tuuri lahaayeen Xasan Sheikh, laakiin si cad uma uusan sheegin.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay yihiin kuwo isbadal doon ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii hogaanka dalka uu isbadal ugu imaan lahaa.

Waxa uu tilmaamay in shalay ay wada kulmeen Xildhibaanada Isbedel doonka ah, isla markaana maanta ay dib u wada kulmi doonaan si loo sameeyo Guddiyo.

Gudiyada la sameyn doono ayuu Xildhibaan Xiddig sheegay in si sharci ah ay uga shaqeyn doonaan Isbedelka la doonaayo in lagu soo dabaalo dalka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in isbadal uu kasoo bilowday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News