Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa fariin u diray ergada soo dooratay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.
Micheal Keating, ayaa u jeediyay ergada inay isla xisaabtan dhab ah ula yimaadaan xildhibaanadii ay soo doorteen, wuxuuna sheegay in beelo kala duwan ay matalayaan.
Arintaan ayaa u muuqaneyso in Keating uu durba ergada ku jeedinaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo iyaga laga doonayo inay hogaanka dalka la xisaabtamaan.
“Ergada Beelaha ee soo dooratay Xildhibaanada cusub waa inay la xisaabtamaan Xildhibaanada oo ay kula xisaabtamaan waxqabadka ay la yimaadaan sanadkan 2017-ka.” Ayuu yiri Michael Keating.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay wax u qabtaan degaanadii laga soo doortay.
Xildhibaanada cusub ayaa looga fadhiyaa inay soo doortaan madaxweynaha dalka hogaaminaya afarta sano ee soo socota.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

